Korontada oo ka maqan dalka Lubnaan iyo shidaal loogu deeqay.

0
57

Baladweyne ( Radio Beerlula )-=Dowlada dalka Aljeeriya ayaa shidaal ugu deeqday dalka Lubnaan kadib markii koronto la’aan ay soo food saartay dalkaasi.

Korantada ayaa ka tagtay magaalooyinka dalkaasi oo ay ku jiraan garoomada diyaaradaha kaddib markii uu dhammaaday kaydkii shidaalka dalkaasi.

Lubnaan oo mar ahayd dalalka u hodansan Bariga Dhexe ayaa hadda la ciirciiraysa daymo tiro badan oo dalka lagu leeyahay.

Dalka Lubnaan ayaa waxaa sidoo kale ka jira dhaqaale la’aan baahsan taasoo sameyn ku yeelatay dadka danyarta ah.