Koronto la’aan iyo baahiyo kale oo ka jira isbitaalka degmada Jawiil ee gobolka Hiiraan

0
59

Baladweyne (Radio Beerlula)- Isbitaalka guud ee magaalada Jawiil ee gobolka Hiiraan ayaa waxaa xiligan ka jira baahiyo kala duwan oo ay ka mid yihiin in isbitaalka uusan laheyn gaadiidka ambalasta oo bukannada looga soo qaado tuulooyinka iyo xaafaddaha, qeybaha uu ka kooban yahay oo yar isbitaalka iyo in isbitaalka uusan heysan koronto ku filan.

Sidoo kale baahiyaha ka jira isbitaalka ayaa waxaa ka mid ah dhanka daawada iyo balaarin lagu sameeyo qeybaha isbitaalka sida qeybta gargaarka deg deg ah oo u baahan dib u dayactir lagu sameeyo.

Warbixintan waxaa noo haya Xaawo Luul Aadan Xuseen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here