Koronto la’aan ka jirta qeybo ka mid ah Tehran

0
108

Baladweyne (Radio Beerlula)Wararka ka imaanaya qeybo ka mid ah waqooyiga Tehran, ayaa sheegaya in halkaas ay ka jirto koronto la’aan kadib weerarrada Israa’iil ay ka geysatay caasimadda.

Shirkadda Qaran ee korontada Iran, Tavanir, ayaa sheegtay in kadib weerarrada, koronto la’aan saameysay laba degmo oo ku yaalla waqooyiga caasimadda, balse “dadaallo degdeg ah ayaa socda si arrinta loo xalliyo”.

Dhanka kale, telefishinka dowladda Iran ayaa xaqiijiyay in “koronto la’aan kumeelgaar ah” ay ka dhacday qeybo ka mid ah caasimadda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here