Ku dhawaad 300 oo carruur ah oo lagasoo bad baadiyay Khartoum

0
143

Baladweyne (Radio Beerlula)-Ku dhawaad ​​300 oo caruur ah ayaa si nabad ah looga soo badbaadiyay xarun agoon oo ku taal caasimadda Sudan ee Khartoum, sida ay sheegeen hay’adaha gargaarka.

Waxa ay ku sugnaayeen xarunta agoonta ee Mygoma, halkaas oo in ka badan 70 carruur ah la sheegay in ay gaajo iyo xanuun ugu dhinteen tan iyo markii ay colaadda Suudaan bilaabatay bartamihii bishii April.

Xarunta agoonta ayaa ku taalla meel ka mid ah magaalada halkaas oo ay colaaddu ka jirtay, sida ay sheegtay hay’adda Laanqeyrta Cas ee Caalamiga ah (ICRC).

Carruurtan oo da’doodu u dhaxayso hal bil ilaa 15 sano jir, islamarkana gaaraya 297-ka carruur ah ayaa la geeyey Magaalada Wad Madani, oo qiyaastii 200km u jirta Khartoum.