Baladweyne ( Radio Beerlula )-Ugu yaraan 96 qof ayaa la xaqiijiyey inay ku dhinteen dalka Hindiya, maalmihii la soo dhaafay,dhimashadaas ayaa loo sababeynayaa kulayl aad u daran oo ka jira qaybo badan oo dalkaas ah, sida ay xaqiijiyeen masuuliyiinta dalka Hindiya.
Dhimashadan ayaa laga soo sheegayaa, labada gobol ee kala ah, Uttar Pradesh iyo Bihar. Masuuliyiinta ayaa uga digaya dadka deegaanka, inay u baxaan debedda xilliga maalintii ah, waxayna kula talinayaan inay guryahooda ku sugnaadaan, maadaama laga yaabo in heer kulku uu kor u dhaafo 60 Celsius maalintii.
Illaa 54 dhimasho ah oo laga diiwaangeliyey gobolka Uttar Pradesh ayaa la sheegay inay badankoodu ka soo jeedaan degmada Ballia, taas oo 300 KM u jirta caasimadda gobolkaas ee Lucknow. Masuuliyiinta deegaanka ayaa sheegaya in dadka ugu badan ee u geeriyooday kulaylka xad-dhaafka ah, in da’doodu ay ka sarayso illaa 60 jir.
Masuuliyiintaa caafimaadka ee deegaanka ayaa hakiyey dhammaan fasaxyadii la siin lahaa shaqaalaha caafimaadka, iyaga oo taakulayn dheeraad ah gaadhsiiyey goobaha caafimaadka ee ku yaalla degmada Ballia.