Kulamada Caawa Dhacaya Koobka Qaarada qaramada Africa

0
453
Baladweyne(Radio Beerlula)- Waxaa sida qorshuhu yahay caawa la soo gabagabayn doonaa wareegiisa 16-ka koobka qarammada qaaradda Afrika ee 2019, iyadoo caawa la ciyaari doono 2 kulan oo ah kuwa ugu dambeeya wareeggan, waxaana is arki doona xulalka kala ah Mali vs Ivory Coast iyo sidoo kale Ghana vs Tunisia.

7:00 Fiidnnimo Mali vs Ivory Coast

10:00 Habeennimo Ghana vs Tunisia

Xulkii caawa soo adkaada Mali iyo Ivory Coast ayaa wareegga siddeed dhammaadka tartankan la ciyaari doona xulka Algeria, halka xulalka kale ee Ghana iyo Tunisia kii soo baxa caawa uu siddeed dhammaadka tartankan la dheeli doono Jasiiradda Madagascar.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here