kulamada galabta laga ciyaarayo tartanka Baladweyne

0
111

Baladwayne ( Radio Beerlula )-Magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa waxaa si xiise leh uga socda tartanka kooxaha heerka labaad iyadoo maanta loo gudbay wareega is ree reebka kooxaha.

Kulanka koowaad ayaa dhici doona 3:30 PM waxaan fooda isku dari doona FC Xidigaha B Vs FC Xurnimo.

Kulanka labaad ayaa la baasan doona 4:30 PM waxana wada ciyaari doona FC NBC Vs Fiiltare.

Afartan kooxood ayaa laba ka mid ah ay ka hari doonaan tartanka maadaam loo gudbay wareegii is ree reebka tartanka heerka labaad ee Magaalada Baladweyne.