Kulan aqoon isweydaris ah oo macalimiinta dugsiyadda qur’aanka kariimka loogu qabtay Baladweyne

0
83

Baladwayne (Radio Beerlula )-In ka badan 100 macalin oo ka socotay dugsiyada qur’aanka kariimka ah ee magaalada Baladweyne ayaa ka qeybgalay kulan aqoon isweydarsi ah oo ku saabsanaa sidii lagu horumarin lahaa xirfaddaha macallinimo ee dhigista dugsiyadda Qur’aanka kariimka ah.

Kulankan ayaa lagu lafaguray qaabka ugu habboon ee loo xoojin karo wada shaqeynta macalimiinta dugsiyadda Qur’aanka iyo iskuullaadka, iyadoo hadafku yahay sidii ardeyda loogu fududeyn lahaa in muddo kooban ay ku bartaan Qur’aanka kariimka, si hadhow ay ugu fududataa iney si tolmoon usii wataan aqoonta dhinacyadeeda kala duwan.

Kulamada nuucan oo kale ah ee lagaga shaqeynayo isku xirka dugsiyada Qur’aanka iyo iskuullaadka nidaamiga ah ayaa kaalin mug leh ka qaadanaya wada shaqeynta macallimiinta iyo ka warqabka ardayga, si ay ula jaanqaadan nidaamka casriga ee waxbarashada oo la rabo inuu tiigsado kan heerka caalami.

Warbixintaan waxaa soojeedinaya Maxamed Cabdi Saneey.