Baladweyne (Radio Beerlula)- Wasaaradda Arimaha gudaha Jubbaland ayaa magaalada Kismaayo ka daah furtay aqoon kororsigan oo kusaabsanaa sida howl-wadeenada waaxda shatiyada degmada kismaayo ula dhaqmi lahaayeen bulshada ay u shaqeynayaan gaar ahaan ganacsatada xiliyada ay kasoo uruurinayaan shatiyada.
Daahfurka aqoon kororsigan waxaa ka qeybgalay xubno kamid ah dowlada hoose ee Kismaayo iyo masuliyiin ka socday Wasaaradda Arimaha gudaha Jubbaland.
Warbixintan waxaa soo jeedinaya Bilaal Daahir Waaneey.