Kulan looga hadayay dar dar gelinta waxbarashada ardayda gobolka Sool oo lagu qabtay magaalada Garowe

0
169

Baladweyne(Radio Beerlula)-Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Puntaaland ayaa kulan kula yeelatay magaalada garowe Maamulayaasha dugsiyada dhexe iyo sare ee gobolka Sool si loo dardargaliyo hawlaha kor loogu qaadayo waxbarashada sida manaahijta, imtixaanaadka iyo kabista casharada ardayda gobolka Sool.

Waxa ka qeyb galay kulanka Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda waxbarashada Puntland Cabdiraxmaan Yuusuf iyo Cabdiqaadir Yuusuf Nuux agaasimaha waaxda tayeynta, tayo-dhowrka, manaahijta ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Puntland.

Warbixintan waxaa inoo haya Maxamed Yuusuf Cabdulahi