Kulan looga hadlaayay amniga oo lagu Qabtay Degmada Matabaan.

0
110

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan, Mudane Muuse Salaad Wehliye, ayaa maanta shir guddoomiyay kulan amni oo ka qabsoomay degmada Matabaan, kaasoo diiradda lagu saaray xaaladda guud ee amniga gobolka Hiiraan iyo dadaallada lagu xoojinayo nabadda iyo dib-u-heshiisiinta beelaha walaalaha ah ee deegaanka.

Shirka waxaa ka qeyb galay Guddoomiye ku-xigeenka Arrimaha Siyaasadda iyo Maaliyadda gobolka, Mudane Xasan Ibraahim Cabdulle, Taliyaha qeybta Booliska gobolka Hiiraan Gashaanle Sare Isaaq Cali Cabdulle, saraakiil ka tirsan hay’adaha ammaanka, iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan maamulka gobolka.

waxa soo jeedineysa Sahra Ibraahin Dhicisow.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here