Baladweyne ( Radio Beerlula )-Ururka Dhaqaatiirta Soomaaliyeed oo kaashanaya Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Gobolka Banaadir ayaa ,magaalada Muqdisho ku qabtay kulan wada tashi iyo wacyigalin ah oo looga hadalayay xanuunka Gowracatada kaasi oo kiisaskiisa ay kusoo badanayaan dalka.
Kulanka waxaa ka qeybgalay Dhaqaatiir,xubno kamid ah wasaaradda caafimaadka iyo bulshada qeybaheeda kala duwan.
Warbixintan waxaa soo jeedinaya Cabduqaadir Cumar Ibraahim.


