Baladweyne (Radio Beerlula ) – Gudoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Maxamed Axmed Amiir ayaa xarunta dowladda hoose ee xamar kulan kula qaatay guddoomiyaha guddiga Madaxabanaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Sohdimaha dalka Cabdikariin Axmed Xasan, iyadoo kulan diirada lagu saaray sidii gobolka Banaadir looga qaban lahaa doorasho qof iyo cod ah.
kulanka ayaa lagu soo bandhigay diyaar garowga maamulka gobolka Banaadir ee dhinaca Wacyigelinta Bulshada, ka gacan siinta guddiga ee goobaha diiwaangelinta, goobaha codbixinta, iyo in guddiga laga gacan siiyo dhamaan hanaanka diyaarinta doorashada ku qabsoomi karto.
Warbixintan waxaa noo haya Cabdimajiid Aweys Isaaq.