Baladweyne ( Radio Beerlula )-Wasiirka cadaaladda iyo dastuurka xukuumadda federaalka Soomaaliya Xassan Macalin Maxamuud ayaa magaalada Muqdisho kulan kula qaatay ururada haweenka Soomaaliyeed kaasoo looga hadlayay geeddi-socodka Dastuurka, doorashooyinka iyo kaalinta haweenka ee dhismaha dowladnimada.
Kulankan ayaa sidoo kale diirada lagu saaray doorka haweenka Soomaaliyeed ay ka qaadan kara doorashooyinka qof iyo cod ee lagu wado inay dalka ka dhacdo.
Warbixintan waxaa soo jeedinaya Xaawo Aadan Xuseen.


