Kulan looga hadlayay horumarinta caasimadda iyo kaabayaasha dhaqaalaha oo lagu qabtay Muqdisho.

0
57

Baledweyne ( Radio Beerlula )-Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir ayaa shir gudoomiyay kulan gaar ah oo la xariira horumarinta dib udhiska Caasimadda iyo kaabayaasha dhaqaalaha.

Kulanka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Gudoomiye ku-xigeenka howlaha guud ee maamulka gobolka Banaadir Mudane Xasan Maxamed Jimcaale intuu uu socday waxaa diirada lagu saaray dardargalinta mashaariic lagu horumarinaayo magaalada gaar ahaan Dhismaha waddooyinka Xal u helida maareynta biyaha Roobka iyo Dib u dhiska xarumaha danta guud.

Warbixintaan waxaa soojeedinaya Sacdiyo Maxamed Maxamuud.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here