Baladweyne ( Radio Beerlula )-Gudoomiyaha kubadda cagta Gobalka Hiiraan Cabdi Muxumed Cabdi Kabadorog , iyo Gudoomiyaha kubadda cagta Degmada Baladweyne Cusmaaciil Cali Xasan { Zidaani } ayaa kullan looga hadlayay Horumarinta Garsoorka iyo Macallimiint la qaatay Madaxa Farsamada Xulka Qaranka Soomaaliya Maxamed Cabdi Xasan oo ka socday Xiriirka Kubadda cagta Soomaaliya.
Ujeedka loo qabtay kullanka ayaa ahaa is xog wareeysi kusaabsan sidii loo hormarin lahaa kubada cagta islamarkaana loo heli lahaa tababaro la xiriira sare u qaadista Macallimiinta iyo Garsoorayaasha Gobalka.
Warkan waxaa inoo haya Bilaal Daahir Waaneey


