Baladweyne ( Radio Beerlula )-Wasiiru dowlada Madaxtooyada Puntland Abdifataax Maxamed ayaa magalada Galkacyo kulan muhiim ah kula qaatay bulshada gobolka Mudug, kaasi oo ahaa wada-tashi diiradda lagu saarayay si xal waara looga gaari lahay biyaha fadhiya wadooyinka loona xoojiyo nadaafadda iyo badbaadada deegaanka Qorshaha dhismaha wadada isku xirta Xarfo iyo Gaalkacyo.
Kulankan ayaa sido kale lagu dhageystay tabashooyinka shacabka iyo ka jawaabista baahiyaha taagan, iyadoo ay ka muuqato diyaar garow dhab.
Warbixintaan waxaa soojeedinaya Xaawo Aadan Xuseen.


