Baladweyne (Radio Beerlula)- Waaxda la dagaallanka dambiyada socdaalka,tahriibinta iyo ka ganacsiga dadka ee xafiiska xeer ilaalinta guud ee qaranka ayaa magalada muqdisho ku qabatay kullan looga Hadlayay ka hortagga danbiyada socdaalka sharci darada ah iyo tahriibinta.
Kulanka oo diirada lagu saaray sidii dhalinyarada Soomaliyeed looga Wacyi galin laha dhibatada laga dhaxlo tahriibka iyo maxkamadeynta dadka ku lug yeesha danbiyada socdaalka sharci darada ah ayaa waxaa ka qeyb-galay hogaanka dambi baarista ciidamada Booliska iyo CID-da.
Audio Player