Baladweyne ( Radio Beerlula )-Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa shir gudoominaayay Shirka Degmooyinka Gobolka Banaadir kaasi loogu hadlaayay Qorshaha maareeynta iyo xal-u-helida Biyo-mareenada Magaalada Muqdisho.
Shirka ayaa waxaa ka soo qayb galay Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobalka Banaadir iyo Injeero ka socday hey’adda Hydro Nova oo soo bandhigayay Qeybtii 1-aad ee Naqshadeynta laga sameeyay 9-Degmo oo ka tirsan gobalka Banaadir.
Warbixintaan waxaa soojeedinaya Sacdiyo Maxamed Maxamuud.