Kulan looga hadlayay musuqmaasuqa gargaarka bini’aadanimo oo lagu qabtay Kismaayo

0
64

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Wasaarada Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka maamulka Jubbaland ayaa maanta magaalada Kismaayo ku qabatay kulan looga hadlayay wadatashiga dadweynaha ee siyaasadda kahortagga leexsashada gargaarka bini’aadanimo.

Kulanka ayaa waxaa daah-furay Madaxweyne kuxigeenka labaad ee Jubbaland Cabduqaadir xaaji Maxamuud waxaana goob joog ahaa wasiiro ka tirsan maamulka Jubbaland maamulka Magaalada Kismaayo iyo xubno ka socday Hay’addaha ka shaqeeya arimaha Arimaha gargaarka.

Warkan waxaa inoo haya Cabdimajiid Aweeys Isaaq