Baladweyne ( Radio Beerlula )-Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Hirshabeelle ayaa degmada Balcad ka daahfurtay kulan wadatashi ah oo soconaya labo maalmood kaas oo lagu falanqeynayo Qorshaha Horumarinta Labaad ee Hirshabeelle.
Furitaanka kulanka waxaa ka qeybgalay Wasiirka iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorsheynta, xubno ka socday ururrada haweenka iyo dhalinyarada, culumaa’udiin, nabadoonno, hay’ado ka howlgala degmada, iyo maamulka degmada Balcad.
Warkan waxaa inoo haya Maxamed Yuusuf Cabdulaahi.


