Baledweyne ( Radio Beerlula )-Wasaaradda Arrimaha Gudaha Jubbaland ayaa Magaalada Kismaayo ku qabatay kulan lagu gorfeeyay sidii loo dardargelin lahaa hawlaha xasillinta ee deegaanada ka fog magaalada Kismaayo iyo sidii aay u heli lahaayeen mashaariic hormarineed sida goobo waxbarasho ,xarumo caafimaad iyo adeegyo kale
Kulanka oo ka dhacay xarunta Wasaaradda, ayaa waxaa ka soo qayb galay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Jubbaland, Agaasimayaasha guud ee wasaaradaha kale ee ku midaysan mashaariicda xasillinta, iyo masuuliyiin kale oo heerar kala duwan leh.
Warbixintan waxaa soo jeedinaya Cabduqaadir Cumar Ibraahim


