Baladweyne ( Radio Beerlula )-Wasaaradda Caafimaadka maamulka Puntland oo kaashaneeysa Hey’adda Caafimaadka adduunka ee WHO ayaa magaalada Boosaaso ku qabatay Kulan looga hadalayay sidii looga hortagi lahaa Islmarkaana bulshada looha wacyigelin lahaa Cudurada faafa sida Shuban Biyoodka , Oofwareenka iyo Dabeysha.
Kulankaan waxaa ka qeybgalay Isuduwaha Wasaarada Caafimaadka ee Gobalka Bari, Xubno ka socday Hey’adda Caafimaadka Adduunka WHO iyo Dhaqaatiir.
Warbixintaan waxaa soojeedinaya Bilaal Daahir Waaneey.
Audio Player