Kulan looga hadlayay waxqabadka wasaaradda Caafimaadka Jubbaland oo lagu qabtay Kismaayo

0
113
Baladwayne ( Radio Beerlula )-Wasaaradda caafimaadka iyo daryeelka bulshada ayaa magaalada Kismaayo ka daahfuray Shir u dhaxeeya wasaaradda caafimaadka iyo hay’adaha ay wada shaqeynta la leedahay Wasaaradda.
Shirkan ayaa mudada uu socdo waxaa diiradda lagu saari doonaa waxyaabihii Wasaaradda Caafimaadka ay ka qabatay degmada Kismaayo sideedii bilood ee lasoo dhaafay, Waxaana furitaanka Shirkan kasoo qayb galay Guddoomiyaha Guddiga Arrimaha bulshada ee Golaha wakiilada Jubbaland Xildhibaan Shire Cabdi Maxamed, Howlwadeenada Wasaaradda caafimaadka iyo wakiilo ka socday Hay’adaha.
Warbixintan waxaa soo jeedinaya Cabduqaadir Cumar Ibraahim