Kulan looga hadlayay xaaladda fatahaadda dalka oo lagu Muqdisho

0
208

Baladwayne ( Radio Beerlula )-Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa kulan deg deg ah la yeeshay ganacsatada Soomaaliyeed, kaas oo looga jawaabayo dhibaatooyinka ay sababeen roobka dayrta ee ka da’aya qaar kamid ah gobollada dalka.

Kulanka ayaa lagu soo bandhigay xaaladda dhabta ah uu sababay roobka, waxaana ilaa iyo hadda inta la xaqiijiyey ku dhintay daadadka iyo fataahadaha qaar kamid ah gobollada dalka, dadka gaaraya 25 ruux.

Warbixintaan waxa soojeedinaya Maxamed Yuusuf Cabdulaahi.