Baladweyne ( Radio Beerlula )-Wasaaradda Haweenka iyo xuquuqul insaanka Jubbaland ayaa magaalada Kismaayo ku qabatay kulan wadatashi ah oo looga hadlayey Xeerka xuquuqda caruurta.
Kulankan ayaa waxaa ka qayb galay Agaasimaha guud ee Wasaaradda Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka Jubbaland Idiris Xasan Maxamed, Agaasimaha guud ee Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Jubbaland Cabdullaahi Cabdiqaadir Qaanuuni, Hay’adaha ka shaqeeya arrimaha Xuquuqda Carruurta, howlwadeenada wasaaradda haweenka iyo xubno kale.
Warbixintan waxaa soo jeedinaya Maxamad Yuusuf Cabdulahi.