Baladweyne ( Radio Beerlula )-Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka dowlad gobaleedka Puntland Axmed Saciid ayaa kulan la yeeshay madax ka socotay Hay’adaha Calaamiga ah iyo kuwa Maxaliga ah ee ka hawgalo Puntland kaasi oo lagu qabtay magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari.
Kullanka ayaa waxaa diiradda lagu saaray sidii gargaar loo gaarsiiyo shacabka ka soo barakacay Deegaano ka tirsan maamulka Puntland islamarkaana ay Saameeyeen Abaaraha kuwaasi oo soo gaaray magaalada Boosaaso waxaana ka qeybgalay masuuliyiin katirsan Wasaaradda Gargaarka Dowlad goboleedka Puntland maamulka degmada Bosaaso iyo kan gobalka Bari.
Warbixintaan waxaa soojeedinaya Sacdiyo Maxamed Maxamuud.


