Kulan looga hadlayo horumarinta degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan oo lagu qabtay degmadaasi.

0
264

Baladweyne(Radio Beerlula) -Guddoomiyaha degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan Cabdi Muumin Cilmi iyo xubno ka tirsan maamulka degmada ayaa kulan la qaatay dhalinyarada degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan.

Kulanka ayaa looga hadlay sidii wada jir looga qeyb qaadan lahaa horumarinta degmada Maxaas islamarkana la iskaga kaashan lahaa horumarinta dhalinyarada.

 Qaar ka mid ah dhalinyarada degmada Maxaas ayaa ka codsaday maamulka inay gacan ka siiyaan qabashada tartan kubadda cagta.

Guddoomiyaha degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan Cabdi Muumin Cilmi ayaa balan qaaday inuu wax ka qaban doono baahiyaha heysta dhalinyarada, waxana uu ka dalbaday inay garab ku siiyaan horumarinta degmada.

Warbixintan waxaa noo haya Maxamed Cabdi Saney.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here