Kulan loogu hadlayay Hanaanka wada shaqeynta oo lagu qabtay Muqdisho.

0
118

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa manta daahfuray shirka hanaanka wadashaqeynta waaxaha Dowladda Hoose ee Xamar, Degmooyinka iyo Deegaanada Gobolka Banaadir.

Furitaanka shirkan waxaa goob joog ka ahaa Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasada Maamulka Gobolka Banaadir Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) iyo Guddoomiye Ku-xigeenka Arrimaha Bulshada iyo wacyi galintaMaamulka Gobolka Banaadir Cabdicasiis, Cismaan Maxamed iyada oo madasha uu shirkan ka dhacayay lagu soo bandhigay warbixina la xariira muhiimada uu hanaankan u lee yahay dardargalinta iyo hufnaanta howlaha lagu horumarinayo bilicda Caasimadda iyo adeegyada aas aasiga ah ee loo baahan yahay in la gaarsiiyo bulshada Gobolka Banaadir.

Warkan waxaa inoo haya Cabdiqadir Cumar Ibraahin.