Kulan wada hadalka Booliska iyo warbaahinta oo laga daah furay Garoowe.

0
219

Baledweyne ( Radio Beerlula )-Ururka Warbaahinta Puntland (MAP) ayaa maanta Garowe ka furay kulanka wada-hadalka warbaahinta iyo Booliska kaasi oo lagu lafa-gurayo badqabka Saxafiyiinta, dhowrista madax banaanida warbaahinta iyo la-dagaalanka wararka been-abuurka ah.

Kulankan oo laba maalmood soconaya waxaa ka qayb-galay furitaankiisa Wasiirka Warfaafinta Puntland Maxamuud Caydiid Dirir, Agaasimaha Guud Maxamed Ciise Cismaan, Taliye xigeenka ciidanka Booliska Puntland Gen, Caydiid Axmed Nuur, Afhayeenka Madaxtooyada Jaamac Yusuf Jaamac, Gudoomiyaha MAP Maxamed Daahir Caynsane, iyo xubno bulshada rayidka ka tirsan.

Warbixintaan waxaa soojeedinaya Cabduqaadir Cumar Ibraahim.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here