Kulan wadatashi ah oo looga hadlayay mashuurc lagu hormarinayo waxbarashada iyo barakacayaasha oo loogu qabtay Kismaayo

0
58

Baladweyne (Radio Beerlula)-Wasaaradda Qorshaynta, Maalgashiga iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Dowlad goboleedka Jubbaland ayaa maanta magaalada Kismaayo ku qabatay kulan wadatashi ah oo lagaga hadlayey wajiga saddexaad ee Mashruuca Wadajirka ah ee u adkeysiga (JRP) kaasi oo diiradda lagu saarayo hormarinta waxbarashada iyo barkacayasha .

Kulankan oo uu shir guddoominayey Ku-simaha Agaasimaha guud ee Wasaaradda Qorshaynta Jubbaland Cabdiraxmaan Xasan Maxamed ayaa waxaa ka soo qayb galay Wasaaradaha uu quseeyo Mashruucan iyo wakiilo ka socday Hay’adaha FAO, UNICEF iyo WFP.

Warkan waxaa inoo haya Cabdiqadir Cumar Ibraahin