Baladweyne (Radio Beerlula)- Kulan xiiso badan oo u dhexeeya kooxaha Raadeer iyo Kalah ayaa galabta 4:45 PM ku dhaxmari doona garoonka kubadda cagta Buulaxaabley, iyadoona labadan kooxood mid kood ay soo bixi doonto.
Tartankan ayaa hadda maraya wareegi saddexaad, waxana maalmaha soo socda la sameyn doonaa isku aadka wareega afaraad.