Kulanka looga hadlayay habka diwaangelinta casriga ee ganacsyada oo lagu qabtay Kismaayo.

0
115

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Wasaaradda arrimaha gudaha dowlad goboleedka Jubbaland ayaa magaalada Kismaayo ku qabtay kulan looga hadlayay habka diwaangelinta casriga ee ganacsiyada iyadoo la adeegsanayo tiknolojiyadda si bulshada loogu fududeeyo inay bixiyaan canshuuraha islamarkana ay helan shatiyada ganacsiga.

Kulankan oo lagu soo bandhigay ahmiyadda uu lee yahay habkan casriga ee ganacsatada ku bixin karan canshuuraha islamarkana ku qaadan karan shatiyada ganacsiga ayaa waxaa ka qeyb galay howlwadeenno ka tirsan wasaarada arrimaha gudaha Jubbaland, maamulka degmada kismaayo, iyo xubno ka socda ganacsatada magaalada Kismaayo.

Warbixintaan waxa soojeedinaya Maxamed Cabdi Saneey.