Kulayl daran oo weli ka taagan Qaaradda Yurub.

0
76

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Kulayl daran ayaa weli ka socda Qaaradda Yurub oo dhan, iyadoo Faransiiska, Spain, Talyaaniga, Bootaqiiska iyo Jarmalku ay bixiyeen digniino ku aaddan cimilada kululaatay.

Qaybo badan oo ka mid ah dalka Faransiiska oo ay ku jiro magaalada Paris ayaa laga muujiyay digniintii ugu sarrayay iyada oo heer-kulku uu gaadhay cabbir aad u sarreeya.

Laba qof ayaa ku dhintay dalka Talyaaniga iyadoo heer-kulku cirka isku sii shareeray, halka 50,000 laga daad gureeyay dabka ka kacay galbeedka Turkiga.

Qaybo ka mid ah Boortaqiiska iyo Spain ayaa diiwaangeliyay heerkulkoodii ugu sarreeyay abid toddobaadkan iyadoo heerkulk uu gaadhay 46C Koonfurta-bari Ingriiska.

Heerkulku wuxuu gaadhi karaa ilaa 35C, laakiin waxa loo badinayaa in isbeddel laga dareemo UK inteeda kale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here