Kumanaan qof oo doonaya in ay korsadaan gabadhan yar ee laga soo saaray burburka dhisme dumay.

0
193

Baladweyne (Radio Beerlula)-Tirada dadka hadda la og yahay in ay ku dhinteen dhulgariirradii Isniintii ka dhacay Turkiga iyo Suuriya ayaa hadda kor u dhaaftay kow iyo labaatan kun.

Kooxaha gurmadka ayaa wali isku dayaya inay helaan dad badbaaday – in ka badan sagaashan saacadood kadib dhulgariirka.

Haddaba iyadoo xaaladdan ay taagantahay ayaa haddana kumanaan qof waxay doonayaan in ay korsadaan gabar yar oo ku hoos dhalatay burburka dhismo ku dumay waqooyiga galbeed ee Suuriya, ka dib dhulgariirkii Isniinta.

Markii laga soo badbaadinayay dhismaha hoostiisa waxay xudunteedu ay wali ku dheganed hooyadeed, waxaana loo bixiyay magaca “Aaya” oo ah calaamad muujinaysa (Mucjiso) marka la eego sida yaabka leh ee Alle u badbaadiyay ilmaha yar.

Hooyadeed, aabaheed iyo dhamaan afar walaalaheed ah ayaa ku dhintay dhulgariirkii ku dhuftay magaalada Jindayris. Aaya ayaa hadda ku jirta cisbitaalka

Kumanaan kun oo qof oo baraha bulshada isticmaala ayaa hadda raadinaya faahfaahin ku saabsan xaaladda gabadhan yar si ay u korsadaan.

Wariye ka tirsan telefishin laga leeyahay dalka Kuwayt ayaa yiri, “Diyaar ayaan u ahay inaan xanaaneeyo oo aan korsado ilamahan yar…hadii nidaamka sharcigu ii ogolaado.”

Maamulaha cisbitaalka, Khalid Attiah, ayaa sheegay in uu helay tobanaan wicitaano ah oo ka yimid dhammaan dadka adduunka oo dhan kuwaas oo doonaya inay korsadaan Aaya.