Baladweyne ( Radio Beerlula )-Kylian Mbappe ayaa dhaliyay saddexley cajiib ah, isagoo ku hoggaamiyay Real Madrid guul weyn oo 3-1 ah oo ay ka gaareen Manchester City, taasoo Los Blancos u xaqiijisay booska wareega 16-ka ee
Xiddiga ay lacagta badan ku soo iibsadeen xagaagii ayaa bandhig layaab leh sameeyay, isagoo saddex jeer si awood leh u dhammeystiray weerarro isfaham leh oo Madrid ay ku muujisay inay weli awood ku leedahay Yurub.
Real Madrid waxay hoggaanka qabatay daqiiqadii 4-aad, waxaana goolka furitaanka dhaliyay Mbappe. Raul Asencio, oo habeen fiican qaatay, ayaa kubbad dheer u dhiibay Mbappe, kaasoo si qurux badan uga dul qaaday Ederson, kubbaddana shabaqa ku hubsaday. Mbappe ayaa fursad kale helay wax yar kadib, balse Ederson ayaa ka badbaadiyay.
Daqiiqadii 34-aad, Mbappe wuxuu dhameystiray goolkiisii labaad, kadib markii Jude Bellingham uu kubbad u dhigay Vinicius Jr, kaasoo isna u dhiibay Rodrygo. Rodrygo wuuu dhalin karay, balse wuxuu si caqli leh kubadda ugu dhiibay Mbappe, kaasoo difaaca City ka dhex baxsaday ka hor inta uusan si awood leh shabaqa u dhex dhigin.
Qaybtii labaad, Madrid ayaa sii wadatay xasuuqa City, iyadoo ciyaarta ay noqotay mid ay si buuxda u maamulayeen. Daqiiqadii 61-aad, Mbappe ayaa dhameystiray saddexleydiisa, isagoo si qurux badan ugu gembiyay Phil Foden, ka dibna kubbad si xirfad leh ugu leexiyay geeska hoose ee shabaqa. Real Madrid waxay heshay fursado kale, iyadoo Vinicius Jr uu kubbad halis ah banaanka mariyay, halka mid kale si fiican looga badbaadiyay. Rodrygo iyo Bellingham waxay ciyaarta dhex wareegayeen iyagoo abuurayay fursado badan.
Dhinaca kale, Manchester City ma aysan muuqan, waxayna aad uga hooseeyeen heerkii ay joogeen markii ay Champions League ku guuleysteen 2023. Waxay ahayd koox aan la garanaynin marka loo eego sidii ay Los Blancos ugu dhowaayeen inay ka reebaan koobka wax ka yar sanad kahor. Asencio ayaa si xirfad leh u xakameeyay weerarka Madrid, halka kooxdiisa ay kubadda si degdeg u maareynayeen, iyagoo City ka dhigay kuwo aan neefsan karin.
Nico Gonzalez ayaa dhamaadkii ciyaarta gool qurux badan u dhaliyay City, balse wax badan kama beddelin natiijada. Guushan Madrid ay gaartay waxay caddeyn u tahay inay weli yihiin koox laga baqo tartanka Champions League.