Baledweyne ( Radio Beerlula )-Xiddiga reer France, Kylian Mbappé, ayaa sii watay qaab ciyaareedkiisa cajiibka ah, isagoo ku hoggaamiyay kooxdiisa Real Madrid guul weyn oo 5-0 ah oo ay kaga adkaadeen Kairat Almaty, kulan ka tirsanaa wareegga labaad ee heerka kooxaha Champions League oo dhacay fiidnimadii Talaadada.
Mbappé ayaa saddexleey dhaliyay kulanka, taasoo sii muujisay bilowgiisa xoogan ee xilli-ciyaareedka, gudaha Spain iyo sidoo kale tartamada Yurub, isagoo garab wax ku ool ah u noqday kooxda boqortooyada.
Sida ay shaacisay shabakadda “Opta”, Mbappé wuxuu sameeyay taariikh aan hore loo arag, isagoo noqday ciyaaryahankii ugu horreeyay ee taariikhda Real Madrid dhaliya 3 gool oo furiraan ah hal xilli ciyaareed Champions League.Wuxuu horay laba gool oo furitaan ah uga dhaliyay Marseille.
Waxaa xusid mudan in Mbappé uu ilaa hadda saftay 9 kulan tartamada oo dhan xilli-ciyaareedkan, isagoo sameeyay 13 gool iyo hal caawin.


