“La soo saxiixashada Ronaldo waxay noqon doontaa tallaabo xiiso leh” – Matthäus

0
183

Baladweyne (Radio Beerlula)-Halyeeyga Bayern Munich ee Lothar Matthäus ayaa sheegay in lasoo saxiixashada xiddiga reer Portugal iyo kooxda Manchester United ee Cristiano Ronaldo, ay noqon doonto tillaabo xiiso leh.

Wararka ayaa waxay sheegayaan in Cristiano Ronaldo uu ka codsaday maamulka Manchester United inay u ogolaadaan inuu ka tago xagaagan.

Chelsea iyo Bayern Munich ayaa ah kuwa ugu cad cad ee u sharaxan adeega Cristiano Ronaldo.

Shabakada “Sky Sports” ayaa shaaca ka qaaday wareysi uu bixiyay halyeeyga Bayern Munich ee Lothar Matthäus, wuxuuna yiri:

“U dhaqaaqista Cristiano Ronaldo ee Bayern Munich waxay noqon doontaa mid xiiso leh.”

“Haddii ay Bayern wali ku fikireyso in Cristiano Ronaldo uu weli jir ahaan awood u leeyahay inuu si dhab ah u caawiyo sannad ama laba sanno, iyo inay ku maal galin karto lacagta Lewandowski heshiiskiisa, hubaal maamulka ayaa ku qasbanaan doona in ay ka fikiraan.”