La taliyaha madaxweynaha Hirshabeelle ee dhanka arrimaha haweenka oo ugu baaqday hay’adda samafalka inay caawiyaan haween dhibaateysan

0
283
Magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Baladweyne(Radio Beerlula)- Inta badan haweenka barakacayasha iyo kuwa danyarta ee  ku nool magaalada Baladweyne oo  markii hore adeegyo caafimaad oo lacag la’aan ka heli jiray isbitaalka guud ee gobolka Hiiraan ayaa hadda la daala dhacaya durufo kala duwan oo dhanka caafimaadka maadaam isbitaalka ay ka baxeen hay’adihii gacanta ku hayay.

La taliyaha madaxweynaha Hirshabeelle ee dhanka arrimaha haweenka Dahabo Xassan Axmed oo u warantay Radio Beerlula  ayaa ka codsatay hay’addaha samafalka  inay gacan ka geystan sidii loo heli lahaa adeeg caafimaad oo bilaash ah.

Dahabo  Xassan Axmed ayaa sheegtay in haweenka looga baahan yahay inay is caawiyaan.

La taliyaha madaxweynaha Hirshabeelle ee dhanka arrimaha haweenka Dahabo  Xassan Axmed ayaa radio Beerlula u sheegtay inay wadan qorshe lagu doonayo in lagu sameeyo xeerka qoyska islamarkana haweenka ay helaan cadaalad.

Warbixintan waxaa noo haya Xaawo Luul Aadan Xuseen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here