Laamaha amniga Baladweyne oo soo saaray go’aano lagu sugayo ammaanka.

0
163

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Taliyaha Booliska Degmada Baladweyne gaashanle Cabdulaahi Maxamuud iyo taliyaha nabadsugida Baladweyne Gaashanle Cabdi Aweeys Maxamed Cali ayaa si wada jir ah u soo saaray go’aano lagu sugayo ammaanka si looga hortago wax kasta oo amaanka lid ku ah.

Go’aannadan ayaa waxaa ka mid ah in magaalada Baladweyne laga mamuucay in lagu wato gaadiidka leh muraayadaha beensalka leh iyo inaan la mari karin jidadka xiran ee soo gala magaalada.

Warkan waxaa inoo haya Cumar Yuusuf Aadan

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here