Laba gaari oo isku dhacday oo dad badan ay ku dhinteen

0
40

Baladwayne ( Radio Beerlula )-Ugu yaraan 20 qof ayaa ku dhintay dalka Koonfur Afrika kadib shil baabuur oo ka dhacay waqooyiga gobolka Limpopo.

Dhibanayaasha oo loo malaynayo inay ahaayeen macdan qodayaal waxay saarnaayeen bas kaas oo si toos ah ugu dhacay gaari xamuul ah.

Gaariga ayaa waday mid ka mid ah macdanta dheemanka ah ee ugu ballaaran dalkaas oo ay leedahay shirkadda weyn ee macdanta ee De Beers.