Baladweyne (Radio Beerlula)-Dadka jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee koongo ayaa ‘mucjiso’ la kulmay ka dib markii ay biyaha harada Kivu ka dhex heleen laba ilmo oo dul heehaabaya, maalmo ka dib markii in ka badan 400 oo qof ay halkaas daadad ku dileen.
“Waa mucjiso, waan wada fajacnay,” ayuu BBC u sheegay hogaanka dadka deegaanka, Delphin Birimbi.
Labada ilmo ayaa la xaqiijiyey in ay waalidkood dhinteen balse bulshada deegaanka ayaa ku hawlan sidii ay ugu wareejin lahaayeen dad koriye caruurtan.
Ma cadda sida ay labada ilmo ugu dhex noolaayeen biyaha harada muddo saddex maalmood ah, balse dadku waxay sheegayaan in ay dul saarnaayeen qaaqo biyaha dul heehaabeysay.