Laba Kooxood Oo Ku Tartamaya Saxiixa Cristiano Ronaldo

0
161

Baladweyne (Radio Beerlula)- Kooxaha Saudi Arabia ee Al-Hilal iyo Al-Nassr ayaa lagu soo waramayaa inay ku dagaalamayaan saxiixa xiddiga xorta ah ee Cristiano Ronaldo.

37-sano jirkaan ayaa haatan koox la’aan ah ka dib markii Manchester United ay kansashay hehsiiskiisa kadib waraysigii muranka badan ee uu siiyay Piers Morgan.

Ronaldo, oo markii hore codsaday inuu ka tago Red Devils xagaagii hore si uu u ugu biiro koox ka ciyaarta champions League ayaa si weyn u dhaleeceeyay Madaxda kooxda, xiddigaha kooxda iyo tababare Erik Ten Hag.

Laacibka shanta jeer ku guuleystay Ballon d’Or ayaa hadda baadi goob ugu jira inuu tartan cusub ka galo koox cusub, waxaana aad loo hadal hayaa halka uu ku dambeyn doono.

Kooxaha waaweyn ee Bayern, Real Madrid, chelsea iyo kooxo kale oo reer yurub ah ayaa dhamaantood iska diiday saxiixa xiddiga reer Portugal.

Si kastaba ha ahaatee, Ronaldo ayaa si xoogan loola xiriirinayaa inuu lacag badan ugu wareegi karo Sacuudiga, Daily Mirror ayaana sheegaysa in kooxaha Al-Nassr iyo Al-Hilal oo ku xafiiltama horyaalka Saudi Arabia ku tartamayaan saxiixa xiddiga.