kooxaha Laba kulan oo galabta laga ciyaaray tartanka kooxaha heerka labaad ee Baladweyne.

0
9

Baladweyne (Radio Beerlula)- Magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa waxaa ka socda tartanka kooxaha heerka labaad ee xaafaddaha magaalada, kaasoo ay ka qeyb galayaan 42 naadi.

kulanka koowaad  ayaa galabta dhaxmaray kooxaha  Risaasta iyo Jiiqa waxana ay ku soo dhamatay barbaro 1-1 ah.

kulanka labaad ee galabta laga ciyaaray tartanka kooxaha heerka labaad ayaa waxaa fooda is daray kooxaha Suuqa Sarre iyo Kutiimbo waxana 1-0 ku badisay kooxda Suuqa Sarre.