Labada aqal ee baarlamaanka dalka oo ka dooday cutubka 1 aad ee dastuurka dalka

0
36

Baladweyne (Radio Beerlula)-Guddoomiyaha golaha shacabka baarlamanka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe iyo guddoomiye ku xigeenka koowaad ee aqalka sare ee baarlamanka Soomaaliya Cali Shacbaan Ibraahim ayaa maanta si wada jir ah u guddoomiyay kulanka labada aqal loo looga doodayay cutubka koowaad ee dastuurka ku meel gaarka.

Qodobada uu ka kooban yahay cutubkan koowaad ee dastuurka dalka islamarkana maanta ka doodayeen xildhibannada labada aqal ayaa waxaa ka mid ah Gobannimada iyo midnimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waa laguma-xadgudbaan, Diin aan ahayn Islaamka laguma faafin karo dalka, Lama soo saari karo sharci aan waafaqsaneyn Mabaadi’da Guud ee Shareecada Islaamka, Dastuurka Soomaaliya waxaa saldhig u ah Qur’aanka kariimka ah iyo Sunnada.

Warkan waxaa inoo haya Maxamed Cabdi saneey.