Labo duuliye oo hurday xilli ay hawada ku jiraan.

0
39

Baladweyne (Radio Beerlula)- Mas’uuliyiinta Indonesia ayaa baaritaan ku billaabay shirkad diyaarad oo gudaha ka shaqeysa, ka dib markii labo duuliye oo diyaarad waday ay wada gam’een xilli ay duullimaad ku jireen.

Labada duuliye oo hadda shaqada laga hakiyey ayaa hurday muddo 28 daqiiqo ah intii diyaaraddu ay u kala goosheysey magaalooyinka Sulawesi iyo caasimadda Jakart 25 Jannaayo 2024.

Mid ka mid labada duuliye oo haweeney ahayd ayaa sida la sheegay dhacsaal ahayd maadaama ay ku dhafartay xannaaneynta labo mataano ay dhawaan dhashay.

Diyaaradda ay ku duulayeen oo nuuceedu ahaa A320 ayaa muddo kooban jihada ka hallowday, taas oo ay ugu wacnayd duuliyeyaasha oo seexday.

Sidaas oo ay tahayna diyaaraddii si nabdoon ayey ku degtey, iyadoo dhammaan 153 qof ee rakaabka ahaa ay bedqabaan.