Lamine Yamal Oo Dhaawac Ku Seegaya Kulanka Newcastle Ee Tartanka Champions League

0
177

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Tababaraha Barcelona, Hansi Flick, ayaa isku dayay inuusan si toos ah uga jawaabin su’aal ku saabsan dhaawaca Lamine Yamal, kahor kulanka Champions League ee ay kooxdiisu la ciyaarayso Newcastle.

Markii la waydiiyay Yamal ayuu yiri: “Lamine Yamal? Waxaan rabaa inaan ka hadlo ciyaartoyda diyaarka u ah inay ciyaaraan. Berri ma ciyaari karo, Axaddana waan arki doonaa… Rashford wuxuu kamid yahay safka kooxda. Haddii ciyaaryahan maqan yahay, kan kale ayaa buuxin kara booska. Waxaan rajeynayaa inuu England ku muujiyo wixii uu sameeyay Axaddii.”

Si kastaba, markii suxufi kale ku adkeystay inuu bixiyo faahfaahin ku saabsan xaaladda Yamal, Flick ugu dambayn ayaa sheegay: “Ma aha inaan culeys saarno isaga. Waxaan haysanaa shaqaale caafimaad oo heer sare ah. Waxaan arki doonaa sida uu u soo kabanayo. Haddii uu soo laabanayo, waa inuu noqdaa boqolkiiba boqol diyaar. Waa ciyaaryahan da’yar ah, waa inaan si taxaddar leh ula dhaqannaa.”

Lamine Yamal ayaa la filayaa inuusan garoomada ku soo laabanin ilaa dabayaaqada bisha September.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here