Baladweyne ( Radio Beerlula )-Xiddiga da’da yar ee xulka Spain iyo Barcelona, Lamine Yamal, ayaa si cad u muujiyay riyadiisa kubadda cagta: “Hammigaygu waa inaan ku guuleysto Koobka Adduunka anigoo matalaya xulka qaranka Spain.”
Yamal, oo noqday ciyaaryahankii ugu da’da yaraa ee gool ka dhaliya UEFA Euro 2024, gaar ahaan gool qurux badan oo uu ka dhaliyay France kulankii semi-finalka, ayaa qeyb muhiim ah ka qaatay guushii Spain ay ku hanatay tartankaas.
Wuxuu sidoo kale ku guuleystay abaalmarinta Da’ yarkii ugu fiicnaa Tartanka, isagoo sidoo kale dhaliyay Goolkii Ugu Quruxda Badnaa ee tartanka. Wuxuu sheegay in xulka Spain uusan uga mid aheyn keliya si uu u ciyaaro, balse si uu u guuleysto.
Inkasta oo uu yahay 17 jir, Yamal wuxuu aaminsan yahay in xulka Spain uu leeyahay tayada lagama maarmaanka u ah guul weyn, gaar ahaan koobka adduunka ee soo socda. Isagoo horumar sameynaya ayaa la filayaa inuu noqdo hoggaamiye cusub oo Spain u horseeda hanashada koobkoodii labaad ee adduunka.


