Lewandowski oo iska diiday dalab kaga yimid kooxda Chelsea

0
194

Baladweyne (Radio Beerlula)-Weeraryahanka Bayern Munich Robert Lewandowski ayaa diiday inuu ku biiro kooxda Chelsea, sida lagu sheegay warbixin ka soo baxday saxaafada Ingiriiska.

Qandaraaska Robert Lewandowski ee kooxda Bayern Munich ayaa wuxuu dhacayaa xagaaga 2023, laakiin waxa uu dhawaan wuxuu in ka badan hal jeer ku dhawaaqay rabitaankiisa ah inuu baxo.

Wargeysyo dhowr ah ayaa sheegay in weeraryahanka reer Poland ee Robert Lewandowski uu horey heshiis ula gaaray kooxda reer Spain ee Barcelona.

Sida laga soo xigtay wargeyska Ingiriiska, “Daily Mail”, Lewandowski ayaa diiday dalab uu ugu biirayo naadiga reer London ee Chelsea xagaagan.

Wargayska ayaa tilmaamay in kooxda reer London ay soo gashay tartanka loogu jiro saxiixa Lewandowski, si ay kaga dhigtaan badelka Romelu Lukaku oo sida uu qorshuhu yahay la filayo inuu ku laabto Inter Milan.

Laakiin Robert Lewandowski ayaa ku adkeysanaya rabitaankiisa ku aadan ku biirista Barcelona, waxaana uu diiday dalabka kaga yimid Chelsea.