Lewandowski oo sii kiciyay xamaasadda taageerayaasha Barcelona isaga oo balan qaad xiiso leh u sameeyay

0
20

Baladweyne (Radio Beerlula)- Weeraryahanka kooxda Barcelona ee Robert Lewandowski ayaa xaqiijiyay in kooxdu ay ku socoto wadada saxda ah xilli ciyaareedkan horyaalka Spain.

Hadalka Lewandowski ayaa ku soo beegmaya kaddib markii uu xalay gudoomay abaal-marinta kabta dahabka ah kaddib markii uu si cajiib ah goolal badan ugu soo dhaliyay kooxda Bayern Munich xilli ciyaareedkii hore ee horyaalka Germany.

Wargeyska Sport ee dalka Spain ayaa wuxuu shaaca ka qaaday hadallada weeraryahanka kooxda Barcelona ee Robert Lewandowski, waxaana ka mid ahaa:

“Aad ayaan ugu faraxsanahay inaan halkaan joogo, waxaan ku faanayaa inaan ka tirsanahay koox ka badan koox.”

“Waxaan ku soconaa wadada saxda ah ee aan ku sameyn karno waxyaabo waaweyn.”

“Waxaan hubaa in sanadka soo socda uu aad noogu fiicnaan doono, waa inaan dulqaadannaa sababtoo ah waxaan ku jirnaa xilli dhismo iyo la qabsi ah.”

“Horyaalka Spain si fiican ayaan u wadnaa, Champions League-ga qaar ka mid ah qaladaadkii aan sameynay, ayaa nalooga reebay.”

Lewandowski oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi: “Waan jeclahay in aan goolal dhaliyo, waxaana isku dayi doonaa in aan helo kabo kale oo dahabi ah, laakiin waxa muhiimka ah ayaa ah koobabka kooxda, waxaan joogaa Barcelona waxayna doonayaan in ay halkan ku qaadaan koobab.”